HomeAll newsDaawo SAWIRRO: Beesha Awbakar Gaabane oo Nabadoon Guud Ku Dooratay Aadan Yabaal.

Daawo SAWIRRO: Beesha Awbakar Gaabane oo Nabadoon Guud Ku Dooratay Aadan Yabaal.

Beesha Owbakar Gaabane oo kamid ah beelaha Abgaal Cismaan ayaa munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ku doortay Nabadoon Cusub.

Munaasabadda lagu caleema saaray Nabadoonka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha Dhexe iyo wax garad gobollada dalka qaarkood isaga kala yimid.

Macallim Xusen Cabdulle Xaayow (Xuseyn Faraweyne) oo ah Nabadoonka la duubay ayaa ballan qaaday inuu beeshiisa ku hogaaminayo ku dhaqanka shareecada islaamka.

Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-dukade) ayaa xafladda kaga mahad celiyay beesha oo uu ku amaanay dadaalkooda wuxuuna ugu baaqay isku duubni iyo iney noqdaan dad umuurahooda oo dhan ku saleeya diinta islaamka.

Dhammaan Salaadiintii ka hadashay goobta oo uu kamid yahay Imaamka beesha Abgaal, Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud, ayaa hadallo bogaadin iyo dhiira galin ah u jeediyay Owbakar Gaabane iyo Nabadoonkooda cusub.

HOOS KA DEGSO CODADKA NABADOONKA IYO WAALIGA

Halkan Ka Degso Hadalka Nabadoon Faraweyne

Halkan Ka Degso Khudbadda Waaliga Sh Dhexe Sh Kabakudukade

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular