HomeAll newsCiidamo katirsan Al-Shabaab Oo Howlgal ka wada Hotel ku yaala Muqdisho.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab Oo Howlgal ka wada Hotel ku yaala Muqdisho.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ballaaran waxay ka wadaan hotel caan ah oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo ay deganyihiin xubno katirsan Dowladda federaalka.

Hotelka uu weerarka ka socdo waxaa lagu magacaabaa Elite hotel, waxaana uu saaranyahay badda, iyadoona lagu tilmaamay inuu yahay hotel aad u weyn oo ay deganyihiin masuuliyiin katirsan Dowladda federaalka.

Inta badan hotelka waxaa la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kuwaas oo beegsanaya shakhsiyaadka hotelka ku sugan ee katirsan Dowladda federaalka.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhashey weerarka, waxaana wixii kusoo kordha soo gudbin doonnaa waqtiyada soo socda.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular