HomeAll newsCiidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Weeraray Luuq.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo Weeraray Luuq.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin milliteri oo gudaha degmadaas ay ku leeyihiin ciidamo ka amar qaata kuwa Itoobiya.

Saqdii dhexe ee xalay ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleysteen iney gudaha u galaan degmada Luuq, islamarkaana fara saaraan ciidamada soomaalida ah ee ka hoos shaqeeya kuwa Xabashida Itoobiya.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid culus, islamarkaana la is weydaarsaday rasaas cul culus.

Hal askari oo katirsan askarta Soomaalida ee la shaqeeya kuwa Itoobiyaanka ayaa la xaqijiyay inuu ku dhintay dagaalka, iyadoo a jiraan askar kale oo ku dhaawacmey duulaanka.

Luuq waa degmo katirsan gobolka Gedo, waxaana duulaan ku jooga ciidamada Xabashida Itoobiya oo duulaan kusoo qaaday Soomaaliya, xoogna ku heysta magaalooyin dhowr ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular