Aroornimadii hore ee saaka, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus kula jarmaaday saldhgiyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Good Guduud Buurrey.
Dagaalka oo lagu daahfuray weerar qarax ah oo aad u xoogan ayaa waxaa xigay in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay u daataan difaacyada ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay goobta, kaas oo ugu dambeyn keenay in ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay ka firxadeen deegaanka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, halkaas oo ay ka wadaan howlo lagu sugayo amniga.
Horay waxay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaal kula wareegeen deegaanka Goof guduud Shabeellow, waxaana ciidamada maamulka Koonfur galbeed ee joogay deegaannadan ay ka dhignaayeen difaaca hore ee magaalada Baydhabo.
Taliyihii ciidamada booliiska ee deegaanka iyo gudoomiyaha deegaanka ayaa kamid ah masuuliyiinta iyo ciidamada lagu dilay weerarkan.