HomeAll newsAskari Kenyaan Ah oo Lagu Dilay Wajeer Iyo 2 Ka Tirsan DF...

Askari Kenyaan Ah oo Lagu Dilay Wajeer Iyo 2 Ka Tirsan DF oo Lagu Dilay Sh/Hoose.

Gaadiid dagaal oo Al-Shabaab kula wareegeen dagaalkii Bariire.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa hawl gal gaar ah oo ay ka fuliyeen dhulka NFD ee Soomaalida ku dilay askari Kenyaan ah.

Askarigan ayaa waxaa lagu toogtay tuulada lagu magacaabo 50 oo hoos tagta wajeer islamarkaana ku jirta gacanta ciidanka xukuumadda Uhuru.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in askarigan lagu toogtay bartamaha magaalada waxaana goobta soo gaaray saaxiibadii oo argagax iyo caro ay ka muuqato kuwaasoo qaatay meydka.

Sidoo kale, weerar dhabba gal ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay ku dileen 2 askari oo ka tirsan ciidamada DF.

Weerarkan ayaa xalay ka dhacay meel u dhow nambar 60 kadib markii la rasaaseeyay Mooto ay saarnaayeen 2 asakri.

Al-Shabaab ayaa horey usii qaatay mootada, waxaana ay weeraradan kusoo aadayaan iyadoo habeenkii xalay weeraro saf ballaaran ah lagu qaaday ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee heysta qeybo kamid ah Jubbada hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular