HomeAll newsAskar katirsan maamulka Jubbaland Oo Lagu dilay Weeraro ka dhacay Jubbooyinka.

Askar katirsan maamulka Jubbaland Oo Lagu dilay Weeraro ka dhacay Jubbooyinka.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada maamulka Jubbaland, kadib markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ciidankeeda milliteriga ah ay qaadeen weeraro culus.

Dagaalladan oo ay ciidamada Mujaahidiinta ku qaadeen difaacyada ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaannada Buulaguduud iyo Baar sanguuni ayaa dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada maamulka Jubbaland.

Ugu yaraan afar askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaalladan, halka ay ku dhaawacmeen 7 kale.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee gaaray ciidamada maamulka Jubbaland waxaa jira in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaalladan kusoo furteen 2 qori iyo booshashkooda.

Mudooyinkii u dambeeyay gobollada Jubbooyinka waxaa joogta ka ahaa howlgallada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee beegsanaya Shisheeyaha Kenyaatiga iyo kuwa maamulka Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular