HomeAll newsAskar badan oo Dowladda Federaalka looga dilay Dagaalkii ka dhacay Mudug.

Askar badan oo Dowladda Federaalka looga dilay Dagaalkii ka dhacay Mudug.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey dagaalkii aroornimadii hore ee maanta ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhig tuulada Shabeelow ee gobolka Mudug ku lahaayeen ciidamada maamulka Galmudug.

Ciidamada Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gabi ahaan gacanta ku dhigay saldhigii ciidamada Dowladda federaalka ee weerarka lagu qaaday kadib dagaal socday muddo hal saac ah, Waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid dagaal intaba.

Ugu yaraan 13 katirsan ciidamada Dowladda federaaka ayaa lagu dilay goobta dagaalka, kuwaas oo  9 kamid ah maydadkooda lagu arkay xeradii la qabsaday, halka ay jiraan dhaawacyo intaas ka badan.

Waxaa jira saanad milatari oo lagu qabsaday xerada ciidamada Dowladda federaalka ee lala wareegay, sidoo kale waxaa dagaalka ku gubtay gaadiid nooca dagaalka ah.

Deegaanka Bacaadweyn ee konfurta Mudug ayaa waxaa ku yaalla xero ay deganyihiin ciidamada Dowladda federaalka waxaana 21 bishii Juun ee lasoo dhaafay Mujaahidiintu ay la beegsadeen camaliyad nafhurnimo ah halkaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba lagu gaarsiiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular