Mu’asasada Al-kataa’ib, oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahiyay filimkii sida weyn loo sugayay maalmahan kadib markii ay horey ugu sii ballan qaaday.
Waa muuqaal mug weyn oo la daawan karo ku dhawaad muddo saacad ah kana sheekeynaya taariikhda uu soo maray dagaalka ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula jirto Xabashida tan iyo aas-aaskeedii, waxaana uu uu soo bandhigayaa dagaaladii Xamar, Idaale iyo kuwii ugu dambeeyey ee lagu gumaaday ciidamada Itoobiya ee kusoo duulay Soomaaliya.
Filimka oo ku baxay saddex luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi iyo Engilish ayaa sidii inaad goob joog tahay oo kale kuu tusaya dagaallo kala duwan oo uu kamid yahay dhabbagal weyn oo cagta lagu mariyey kolonyo Itoobiyaan ah oo ka dhacay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Beydhabo, taariikhdu markey ahayd 1440 ama 2019, kaas oo looga tallaabsaday meydadka in ka 57 Xabashi ah oo isugu jira saraakiil iyo askar.
Haddaba filimkan ayaa waxa uu xambaarsan yahay macluumaadyo badan isagoo sidoo kale soo bandhigaya dad dulmanayaal ah oo Xaabshida kala kulmay tacaddiyo.
Shujaaciinta diintiyo ragaa sharaf ta soo hooyey
Shahiid kooda Rabiyow janee
Shaagay cadaawiyo marsheen gaal shishee yaahe
Shaqiyada kufriga daba socdiyo shaarika ridoobay
Ayagana shidiyo naar gubtiyo sheelo lagu hoojo
Shuyuukhdii duqaadiyo kuwii shubaha beeraayey
Sharaf toodu way dhimatayoo sheegis malahayne
Shacbiguna kadiid been Haday shubi lahaa yeene
Rabiyow shidiyo cudur diliyo balo ku sheekeyso
Filmkan xagge ka heli karaaa oo lagu xasuuqay ciidamada itoobiyaanka ah sanadkii 2019.lana bahaahiyay 2020 documetrigiisa l.