HomeAll newsSawirro+Warbixin: Ku Dhawaad 10 Gabdhood oo Barashada Qur’aanka Ku Dhameysay Sh/Hoose oo...

Sawirro+Warbixin: Ku Dhawaad 10 Gabdhood oo Barashada Qur’aanka Ku Dhameysay Sh/Hoose oo Xaflad Loo Qabtay.

Goor Hore Khamiistii 18-ka dulqacda ee sannadka 1441 Hijriga saacaduna Ahayd sideeda subaxnimo ayaa xarunta Madrasada Cushaaqul quraan oo kamid ah madaarista lagu barto Quraanka Kariimka ee ku yaalla mid kamid ah degaanada hoos taga degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu qabtay xaflad qalin jabin quraan.

Sideed gabdhood ayaa dhameeyay quraanka oo la abaalmariyay waxayna kala yihiin.

1- Umu Cabdillaahi Maxamed Cali oo hormuud u ahayd gabdhaha waxay goobta kala tagtay oo faraha loo galiyay kun doolar.

Qeybaha waxbarasho ee Cushaaq waxaa kamid ah qeyb ugaar ah dadka waaweyn oo ay ku bartaan Quraanka. Umu Cabdillaahi qeybtaasi ayay ku xifdisay Quraanka Kariimka. Gabdhaha kale ee la abaal mariyay Quraankana dhameeyay waxay ahaayeen.

Xafso Cabdullaahi Cali, Sundus Maxamed Xasan, Xafsa Xasan Cali, Asmaa Cabdullaahi Jaliil, Anisa Axmed  Cabdullaah iyo Asmaa Saalim Cali.

Hoos ka dhagayso warbixin ka hadlaysa xaflada.

Halkan kala deg ama ka dhagayso Warbixinta Xaflada.

      

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Masha’Allah, Xaflad loo soo diyaariyey Si’heersare ah, Gabdhahaas qur’aanka Bartay Allah dhowro , Waalidkii kusoo tiir iyo Tacab beelay Allah ka Abaal mariyo Macalimiinta wax soo bartayna Ajirkooda Allah ka Abaal mariyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular