HomeAll newsWeeraro ka dhacay Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Weeraro ka dhacay Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii la soodhaafay fuliyay silsillado howlgalla ah oo isuugu jira qaraxyo iyo weerarao toos ah oo lala beegsaday goobo iyo saldhigyo ay ku suganaayeen ciidamada Dowladda federaalka iyo askarta shisheeye ee ku soduulay wadanka Soomaliya.

Hadaan ku horeyno gobolka Shabeellaha hoose ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay qarax la beegsaday guri uu daganaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo arrimaha bulshada ee dagmada Jannaale, kaas oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

Goobjogaal ku sugan Janaalle ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayeen jugta qarax ka dhacay guriga uu ku sugnaa gudoomiye ku xigeenka ,kaas oo aan aad uga fogeyn saldhiga askarta Dowladda federaalka.

Sidoo kale isla gobolka Shabeellaha hoose ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday askarta Dowladda  federaalka ee ku sugan deegaannada Sabiid iyo Caanoole.

Dhawaqa hubka ayaa aad looga maqlayay hareeraha aagga uu dagaalka ka socday ,waxaa jira khasaare gaaray askarta Dowladda federaalka , walow aanan si rasmi ah u helin inta uu la egyahay khasaraha gaaray.

Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraro ku miray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo askarta maamulka Hir Shabeelle ay kaga sugnaayeen magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa habeenkii xalay weeraro saf balaaran ah ku qaaday askarta Kenya ee ku sugan deegaanada Qooqaani iyo Hosiingow ee gobolka Jubada hoose.

Ila wareedyo deegaan ah ayaa soo sheegaya in uu aad u cuslaa weerarka lagu qaaday deegaanka Hosingow kaas oo socday saacado badan.

Ciidamada Kenya ayaa dagaalka ka dib ridayay rasaas aan hadaf laheyn, maadaama ay ka baqayeen in dib loogu soo rogaal celiyo, lamaNA oga inta uu la eg yahay khasaaraha gaaray ciidamada Kenya.

Isku soo wada duuboo howlgaladaan ayaa ku soo beegmaya xilli galinkii hore iyo kii dambe ee shalay ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab madaafiic ku garaaceen xerooyinka ciidanka Uganda iyo kuwa Dowladda federaalka ee heysta Jannaale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowladda federaalka ayaa waxaa laga dareemayaa niyad jab aad u xooggan maadaama har iyo habeen uu dgaaalku ku socdo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular