Corona virus ayaa weli kusii fidaya caalamka, iyadoo wadamada qaar hoos u dhac laga dareemayo, hase ahaatee Maraykanka ayaa weli ah wadanka kaalinta koowaad kaga jira guud ahaan caalamka, marka loo eego tirada uu ku dhacay Corona iyo dadka uu dilay intaba.
Diiwaangelinta saacadihii ugu dambeeyay laga sameeyay gudaha Maraykanka, islamarkaana ay xaqiijiyeen hay’adaha caafimaadka ee qaabilsan la tacaalida cudurka Coronavirus waxay muujineysaa sarakac ballaaran oo ku aadan xagga dadka uu soo ridanayo cudurka, iyadoo gobollada dalka Maraykanka ay ku kala duwanyihiin.
Gobolka Newyork ayaa ah gobolka ugu badan ee uu saameynta ku yeeshey Coorna marka laga hadlayo gudaha dalka Maraykanka, waxaana tirada guud ee dadka uu soo ritay ay gaarayaan 434,871 halka ay ku dhinteen dad tiradoodu dhantahay 32,584 oo ruux.
California ayaa isagana ku xiga oo dadka uu soo ritay cudurka Corona ay tiradoodu gaareyso 399,898 halka ay ku dhinteen dad cadadooda lagu sheegay 7,769, waxaase dhimashada marka loo eego jira gobollo kaga hormaray sida gobolka Newjersy oo dadka uu Corona ku diley ay tiradoodu dhantahay 15,804 qof.
Guud ahaan marka loo eego Maraykanka, waxay hadda tirada guud ee dadka uu cudurka soo ritay 3,961,580, waxaana afarta milyan uga dhiman kumanaan oo keliya, halka tirada guud ee dhimashada ay gaareyso Maraykanka 143,835 kun.
Waxaa illaa iyo hadda jirin wax rajo ah oo ay qabaan Ameerikaanka oo ku aadan in cudurka uu joogsado ama loo helo dawooyin lagula tacaalo, muwaadiniinta Ameerikaanka ayaana isha ku wada haya xarumaha caaafimaadka iyo shirkadaha soo saara dawooyinka.
Ducaada Muslimiinta ayaa ugu baaqeysa shucuubta reer galbeedka iney qaataan diinta Islaamka, oo ay ka heli doonaan haddii uu Allaah qadaro caafimaad aduun iyo badbaado Aakhiro.