Baaritaan cusub oo ay sameeyeen dhakhaatiir u dhashey dalka Maraykanka ayay ku sheegeen inuu jiro virus cusub oo ah noocyada hargabka, kaas oo laga helay doonfaarrada jooga dalka Shiinahah.
Diraasadan cusub oo la baahiyay saacadihii lasoo dhaafay ayaa ka digeysa halista viruskan cusub oo hadda laga heley doonfaarrada, iyadoo ay suuragal tahay in dadka cuna hilibka doonfaarka ay qaadaan viruskaas, kadibna uu sidaas ugu dhex faafo guud ahaan dadka ku nool caalamka.
Dhakhaatiirta Maraykanka waxay soo xiganayaan sheybaaristayaal Shiinees ah oo baaritaanno ay sameeyeen ku arkey viruskan, waxayna xaqiijiyeen inuu yahay cudur ka faafid badan kan hadda jira ee Corona virus.
Viruskan oo aan illaa iyo hadda magac loo bixin waxay diraasaddu sheegeysaa in laga heley dadka ka shaqeeya beeraha doonfaarrada ee dalka Shiinaha.
Waxyaabaha badinaya halista faafitaanka cudurkan sida lagu sheegay diraasadda ayaa ah in malaayiin ruux oo Shiinees ah ay ag deganyihiin beeraha lagu xanaaneeyo doonfaarrada, aadna ay u cunaan hilibka doonfaarka.
Coronaha hadda ka jira caalamka ee boqollaalka kun ku dilay caalamka wuxuu asalkiisa kasoo billowday dalka Shiinaha, waxaana dadka shineeska ah lagu tilmaamaa iney yihiin dad cuna wax weliba oo ay arkaan, xitaa waxyaaha la qurunsado ee uu banii aadamku isku waafaqsanyahay inaan la cuni karin.
Waa cudur halis badan
Waa cudur halis ah