HomeAll newsTurkiga Oo la wareegay Hogaanka Ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Turkiga Oo la wareegay Hogaanka Ciidamada Shisheeyaha ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Turkiga ayaa lagu soo waramayaa iney la wareegeen hogaaminta ciidamada isku dhafka ah ee magacooda loo soo gaabiyo CTF-151 ee ka kooban dowlado ay ku jirto Maraykanka, kwuaas oo xeebaha Soomaaliya ka wado howlo ay ku tilmaameen la dagaalanka bur cad badeeda.

War kasoo baxay wasaaradada Gaashandhiga Turkiga ayaa lagu sheegay in hogaaminta ciidamadaas ay iyagu gacanta ku hayn doonaan laga soo bilaaabo 25 ka bishan illaa 10 Decembar oo ah dhamaadka sanadkan 2020=ka.

Ciidamada CTF-151 ayaa ka kala socda wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Barazil, Kuuriyada koonfureed, Kuweyt, CUmmaan, Turkiga iyo kuwa kale, waxaana dowladda Turkiga ay ku biirtay sanadkii 2009-ka.

Inkastoo dowladahan ay sheegtaan la dagaalanka burcad badeeda hadana waxaa lagu eedayaa iney ka gurtaan baddeena kheyraadka dhex ceegaaga ee ay yartahay cid ka faa’ideysata.

Turkiga ayaa kamid ah wadamada ugu firfircoon ee kaalinta ka qaadanaya duulaanka ay reer galbeedka iyo Shisheeyaha Afrikaanta kusoo qaadeen dalkeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular