HomeAll newsTaliyihii Boliska Degmada Hodan oo La Dilay Iyo Taliye Kale oo La...

Taliyihii Boliska Degmada Hodan oo La Dilay Iyo Taliye Kale oo La Dhaawacay.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa shalay ka dhacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen askar ka tirsan ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Hodan ayaa waxaa lagu khaarajiyay taliyihii ciidanka Booliska ee degmada oo la oran jiray Fayte.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay inaaney cidna arag hase ahaateen mar qura uun laga war helay xabado dhacay iyo taliyaha oo dhulka yaalla.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo saacado ka hor dhacdadan la dhaawacay taliyiha Boliska Sh/hoose ee DF, Ibraahim Biyamaalow, kaasoo qarax lagula beegsaday duleedka Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular