Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa silsilado qaraxyo ah ku weeraray xarumo iyo fariismiyaal ciidan oo ay ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Qaraxyada xalay ka dhacay Muqdisho oo tiradoodu gaareysay illaa iyo 10 qarax ayaa ka dhacay degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigley, Yaaqshiid, Dayniile iyo Kaaraan, waxaana dhamaan qaraxyadaas lagu beegsaday ciidamada Dowladda federaalka.
Qaraxyada ayaa dhacay xilliyo isku dhow, waxaana qaarkood ay ahaayeen kuwa jugtooda xooganeyd oo laga maqlay goobo ka fog halka ay ka dheceen.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaraya tobanaan askari ayaa lagu soo waramayaa in dhabarka loo saariyay ciidamada Dowladda federaalka, walow aan la helin faafaahin rasmi ah.
Xalay ayaa ahayd labada bisha Dil Xijja, waana bil tobankeeda hore uu Nabiga SCW ku tilmaamay in acmaasha la qabto ay ka fadli badanyihiin xilliyada kale, waxaana looga bartay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab looga bartay iney sii laba jibaarto howlgalladeeda Jihaadiga ah xilliyada sida gaarka ah ay mudnaanta u siisay Shareecada Islaamka.