HomeAll newsShisheeyaha Oo Gaari Gaashaman Looga burburiyay Shabeellaha Hoose.

Shisheeyaha Oo Gaari Gaashaman Looga burburiyay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku  waramaya in qarax xoogan lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan kuwa Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus ayaa haleeley gaari gaashaman oo kamid ahaa kolonyo ciidamo Shisheeye ah oo marayay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xilli uu gaariga marayay deegaanka Danow ayuu qaraxu qabsaday, waxaana goobta ku burburay guud ahaan gaariga, iyadoo askarii saarneyd ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Askarta Shisheeyaha ayaa waxaa kusii kordhaya weerarada uga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana qaraxyada ay kamid yihiin waxyaabaha ay aadka uga  cawdeen Shisheeyaha, iyagoo sheegay iney kala kulmeen khasaare adag.

Inta badan askarta Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka marka ay isaga kala gudbayaan deegaannada ay ka joogaa wilaayaatka Islaamiga waxay la kulmaan weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo xoogan, kuwaas oo khasaare ba’an gaarsiiyay Shisheeyaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular