HomeAll newsSarkaal sare oo katirsan Milliteriga Dowladda Federaalka Oo lagu dilay duleedka Muqdisho.

Sarkaal sare oo katirsan Milliteriga Dowladda Federaalka Oo lagu dilay duleedka Muqdisho.

Waxaa gelinkii dambe ee maanta rag hubeysan ay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo katirsan ciidamada milliteriga Dowladda federaalka.

Sarkaalka la dilay waxaa darajadiisa ciidan lagu sheegay sarreeye guuto, rag hubeysan ayaana rasaas kaga dhoobay qeybaha sare ee jirkiisa taas oo keentay inuu durba goobta ku quur baxo.

War kooban oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan sare ee katirsanaa ciidamada milliteriga Dowladda federaalka.

Ragga dilka geystay waxay si nabad geliyo ah isaga dhaqaaqeen goobta, kadib markii ay ku guuleysteen fulinta howshooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular