HomeAll newsQarax Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Buur Hakaba.

Qarax Askar Lagu dilay Oo ka dhacay Buur Hakaba.

SONY DSC

Qarax xoogan ayaa ka dhacay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed ee ka arimiya magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan jugtiisana laga maqlay xaafado katirsan degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare uu geystay.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan oo dhacay caawa fiidkii.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan dhaliyay khasaaraha ee ka dhacay degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay.

Buur Hakaba waxay kamid tahay degmooyinka ay gumeysiga ku joogaan ciidamada xabashida Itoobiya, waxaana marar badan gudaha degmada ka dhacay qaraxyo iyo howlgallo ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular