Wararka ka imaanaya wadanka Norwey ayaa ku waramaya in nin soomaali ah uu halkaasi ka gaystay weerar uu adeegsday tooraeey islamarkaana la beegsaday saddex dumar ah oo laba kamid ah ay yihiin soomaali halka mida kalana ay udhatay wadankaasi.
Saddexda gabdhood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo waxayna boliisku sheegeen in labada gabdhood ee soomaalida ah ladhigay isbitaal halka midii udhalatay dalkaasna ay ugeeriyootay dhaawacii soo gaaray.
Labada gabdhood ee soomaalida ah ayaa laga dayrinayaa xaaladooda caafimaad, waxayna dadka soomaalida ah ee ku dhaqan norway arrinkaan ka muujiyeen walaac xooggan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wiilka soomaaliga ah ee falkaan gaystay looga jiray maskaxda, islamarkaana horay ufuliyay weerar nuucaan oo kala ah.
Weerarkaan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada saashbook oo 90KM dhanka bari kaga beegan magaalada casimada u ah dalkaasi ee oslo, Waxaana gabdhaha soomaalida ah lagu weeraray guryahooda halka midda caddaanka ah lagu beegsaday goob busteejo ah oo laga raaco gawaarida.
Wadamada reer galbeedka ayaa waxaa kubadan weerarada nuucaan oo kala ha, iyadoo arrinkaas uu argagax xooggan ku abuuray dadka caddaanka ah.