HomeAll newsMarkab sida boqollaal Askari Maraykan ah Oo uu Qarax Ka dhex dhacay.

Markab sida boqollaal Askari Maraykan ah Oo uu Qarax Ka dhex dhacay.

Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa xaqiijinaya in markab dagaal oo ay leyihiin ciidamada Maraykanka uu ka kacay qarax xoogan, kaas oo sababay waxyeello ka duwan.

Markab lagu magacaabo USS Bonhomme Richard oo ku xirnaa xeebaha magaalada San Diyego ee gobolka California ee Maraykanka ayaa mar qura waxa ka kacay qarax aan la ogeyn waxa u yahay, waxaana markaas kadib uu dab xoogan ka kacay markabka.

Qaraxa ayaa ka kacay markabka xilli ay saarnaayeen 160 askari oo katirsan ciidamada badda ee Maraykanka, waxaana lagu soo waramayaa in 21 kamid ah ay gaareen dhaawacyo kala duwan.

Kooxaha dab damiska ee milliteriga Maraykanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo illaa hadda ku howlan daminta markabkan, waxaana saraakiil u hadlay ay sheegeen in daminta markabkan ay qaadan karto maalmo xiriir ah.

Xubno katirsan kooxaha dab damiska ayaa waxaa soo gaaray waxyeello kala duwan, inta ay ku jireen dab daminta, waxaana qaarkood la dhigay xarumaha caafimaadka si loola tacaalo xaaladooda.

Illaa iyo hadda lama oga sababaha rasmiga ah ee dhaliyay qaraxan ka dhacay gudaha markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka, waxaana Maraykanka uu horboodayaa duulaanka ay reer galbeedku kusoo qaadeen caalamka Islaamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular