Waxaa macluumaad dheeraad ah laga helayaa khasaarha ka dhashey qaraxyo ciidamada Bankrafta ee uu Maraykanka ku adeegto lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen.
Ciidamada Bankrafta ayaa weerar fashilmey kusoo qaaday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana markii ay duulaankaas soo qaadeen qarax lala eegtay looga dilay 3 askari, halka looga dhaawacay 4 kale.
3 Askari askarta dhaawacantay ayaa goor dambe u geeriyooday dhaawaca, maadaama xaaladooda ay garaab ahayd.
Markii ay laabteen ayaa iyagoo maraya meel u dhow Jannaale waxaa haleeley qarax kale oo aad u culus, kaas oo ay ku dhintay askari darawal ka ahaa gaariga la qarxiyay, halka uu ku dhaawacmay askarigii kale ee gaandheriga ahaa.
Waxaa sidoo kale jira qarax ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo kasoo baxay dhanka degmada Awdheegle lagula eegtay inta u dhexeysa degmadaas iyo deegaanka Mubaarak, lamana helin khasaaraha gaaray.
Bankrafta ayaa ah ciidamo uu si gaar ah u tababaray Maraykanka, waxayna isku dayaan fulinta howlgallo lagu argagax gelinayo dadka nabadda ku heysta deegaannada wilaayaadka islamaiga, balse waxaa si adag uga hortaga ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.