Waxay si rasmi ah u shaacisay dowladda Itoobiya iney billowday biya buuxinta biya xireenka An-Nahda, oo ah biya xireen dhaliyay khilaafaad saddex geesood ah oo soo kala dhexgala dowladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya oo uu maro webiga An-Niil.
Wasiirka waraabka ee dowladda Itoobiya oo la hadlay warbaahinta wadankiisa ayaa markii ugu horeysya shaaca ka qaaday in dowladdu ay billowday mashruuca biya buuxinta keydka biya xireenka An-Nahda, taasi oo Itoobiya ku hamineyso iney ka dhaliso koronto baaxad leh.
Wasiirka wuxuu sheegay in howlaha biya buuxinta iyo dhisida biya xireenkuba ay isla socon doonaan, ayna filayaan in muda kooban ay kusoo afjaraan howshaas, taasi oo uu ku tilmaamay guul ballaaran oo u soo hooyatay shacabka Itoobiya.
“Waa maalin taariikhi ah oo ay inbadan sugayeen Itoobiyaanka” ayuu yiri wasiirka Waraabka ee xukuumadda Abey Axmed.
Dowladaha Masar iyo Suudaan oo aan u muuqan kuwa awood leh marka laga hadlayo mashruuca biya xireenka An–Nahda oo halis gelinaya nolosha shucuubtooda ayaa sheegay iney ka xunyihiin tallaabada ay qaaday dowaldda Itoobiya, waxayna intaa ku dareen inaaney jirin wax wargelin ah oo ka soo gaarta dhanka dowladda Itoobiya.
Waxay sheegeen in kulamo gooni gooni ah yeelan doonaan, islamarkaana Qaramada Midoobay iyo golaheeda ammaanka ku wargelin doonaan tallaabada dowladda Itoobiya qaaday.
Biya xireenka An-Nahda ayaa noqonaya biya xireenka ugu ballaaran ee qaaradda Africa, waxayna dowladda Itoobiya ku raja weyntahay iney koronto siiso guud ahaan qaaradda Africa, waana mashruuc dhaqaale oo baaxad leh, hase ahaate halis gelinaya nolosha shucuubta muslimiinta ee wadamada Suudaan iyo Masar.