Diraasad cusub oo ciwaan looga dhigay “ Fahamka Siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya” uuna baahiyay machadka Chatham House ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa looga hadlay caqabadaha hor taagan danaha Maraykanka ee Soomaaliya iyo wadooyinka u furan mustaqbalka.
Diraasadan oo uu qoray nin lagu magacaabo Paul D. Williams, kana faallooda arimaha Africa gaar ahaan Soomaaliya ayaa waxay si qota dheer isku dul taageysaa siyaasadda guracan ee uu Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya, taas oo ka dhigan in la burburiyo mamullada wilaayaatka islaamiga, dalkana loo gacan geliyo Shisheeyaha Afrikaanta ee duulaanka ku jooga wadankan.
Khulaasada diraasadda waxay sheegeysaa in Maraykanka uu dano siyaasadeed iyo mid amni ka leeyahay Soomaaliya, hase ahaate aanu ahayn sida uu isagu u buun buuniyo oo ah in amniga Soomaaliya uu ku xiranyahay kan Maraykanka.
“Tan iyo sanadkii 2006dii waxay Washington xooga saartay qadiyadda Soomaaliya, si ay meesha uga saarto halis kaga imaan karta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo ah jamaaco jihaadi ah xiriirna la leh Al-Qaacida” ayay leedahay diraasadda.
Hase ahaate Aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda waxay sheegayaan in duulaanka Maraykanka ee Soomaaliya uu soo billowday sagaashameeyadii, kolkaas oo ciidamo Ameerikan ah ay kusoo duuleen Soomaaliya.
Si uu Maraykanka u xaqiijiyo hadafka uu shaaca ka qaaday ee ay wax badan ku duuganyihiin oo ah in la yareeyo halista danihiisa kaga imaan karta Soomaaliya, waxay maamulladii is xig xigay ee Maraykanka qaadeen tallaabooyin siyaasi iyo mid caskari, milliteri ahaan haddii loo eego wuxuu Maraykanka taageero milliteri iyo tababar ciidan siiyay ciidamada Afrikaanta, isagoo mararka qaar si toos ah uga qeybqatay weeraro ka dhacay Soomaaliya, haba ugu badnaatee duqeymaha aan loo meel dayin ee marar badan ka dhacay wilaayaatka islaamiga.
Siyaasi ahaan, waxay diraasaddu sheegeysaa in Maraykanka uu juhdi ballaaran ku bixiyay taageerada uu siinayo Dowladda federaalka ee uu ragaadiyay musuq maasuqa iyo dagaal hoosaadka kala dhexeeya mucaaradka, waxaana dhamaan dadaallada uu sameeyay Maraykanku noqdeen hal bacaad lagu lisay.
“ Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab wuxuu noqday dagaal lagu dhiig baxo, waana dagaal uu ka muuqdo horumar la’aan tan iyo sanadkii 2016-di, suuragalna maahan in laga keeno guul milliteri” ayuu leeyahay qoraaga diraasadan oo lagu magacao Paul D. Williams.
Diraasaddan uu baahiyay machadka Chatham House ee dalka Ingiriiska waxay sheegeysaa inaaney waxba soo kordhin Karin duqeymaha aan loo meel dayin ee uu Maraykanka ka geysanayo Soomaaliya, taas bedelkeedana intii Maraykanka isagoo jabay isaga bixi lahaa Soomaaliya ay tahay inuu wadahadal la galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“January 2020-ka, wuxuu magaca Soomaaliya qabsaday canaawiinta ra’iisiga ee warbaahinta caalamka iyo Maraykanka, markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegstay saldhiga Manda Bay ee Kenya, wuxuuna weerarkaas ahaa kii ugu dambeeyay oo ku daba feelaya silsilado weeraro taxane ah oo ay fulisay Al-Shabaab, oo uu kamid yahay weerarkii ka dhex dhacay diyaarad ka duushey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, weerarkii DusitD2 ee Nairoobi, iyo weerarkii weynaa ee Bellidoogle oo dhacay septembar 2019-ka” ayay leedahay diraasadda.
Inkastoo diraasaddu ay saddex askari ku sheegtay ciidankii lagu dilay weerarkii Manda Bay, hadana war saxaafadeed xiligaas uu soo saaray maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 kenyaati ah.
Jeneraal Tawsned oo ah madaxa ciidamada Maraykanka ee qaradda Africa ayaa maalmo kadib weerarkii Manda bay , wuxuu warqad uu u diray golaha Congreska ee Maraykanka uu ku sheegay in Al-Shabaab ay tahay jamaacada ugu ballaaran ee hoostaga AlQaacida, si firfircoonna uga dhaqaaqda guud ahaan caalamka.
“Inkastoo Maraykanka uu taageero lixaad leh siiyay ciidamada ka socda midowga Africa ee jooga Soomaaliya, sidoo kalena taageero ku bixiyay sidii dowladda federaalka loogu dhisi lahaa ciidan awood leh, hadana dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu gaaray wado xiran, mana muuqato wax ifafaalo ah oo sheegaya in laga guuleysan karo Al-Shabaab” ayuu leeyahay qoraaga diraasasdda Paul D. Williams.
Qariirada juqraafiga ee deegaannada ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weli kuma imaan wax isbedel ah, inkastoo ay dheceen duqeymo aan cadad lahayn oo lagu garaacay dhulka ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab, hadana weli laguma guuleysan in laga hortago weerarada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa.
Diraasaddu waxay hoosta ka xariiqeysaa in gebi ahaanba ay fashilmeen duqeymaha Maraykanka ee Soomaaliya, ciidanka Al-Shabaabna ay awood u yeesheen la tacaamulka diyaaradaha Drones-ta, taas bedelkeedana duqeymahaas waxaa ku go’a dad shacab ah.
Fashilka Maraykanka ee duqeymaha Soomaaliya, waxay diraasaddu sheegeysaa in laga dheehan karo in taliska Africom uu ku guul dareystay inuu si cad u sheego tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay duqeymaha Maraykanka, waxayna duqeymahan Soomaaliya kusoo jeediyeen indhaha hay’adaha caalamka iyo warbaahinta, kuwaaas ooo warbixinno ka diyaariyay sida indha la’aanta ah ee uu Maraykanku ugu beegsanayo duqeymaha dadka marrasta ah ee ku nool deegaannada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inkastoo diraasaddu ay qeexeyso in amniga Soomaaliya aanu wax badan ku xirneyn kan Maraykanka, hadana waxay sheegeysaa in Maraykanku la gudboontahay inuu diiradda saaro laba qodob, si uu helo qaab uu u maareeyo dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee uu kaga jiro Soomaaliya.
Waa mide, in si kastoo loo taageero ciidamada amaanka ee dowladda federaalka hadana aaney damaanad qaadi Karin iney ka adkaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maxaa yeeley waxay taasi u baahantahay in awooda milliteri ee Al-Shabaab la burburiyo, sidoo kalana cagta la mariyo macnawiyaatka tageeriyaasha Al-Shabaab oo dabcan ah qabaa’ilka Soomaaliyeed, waana arin aan sahal ahayn.
Waxaa kaloo arinkan mustaxiil ka dhigaya sida ay diraasaddu sheegeyso iyadoo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleystay iney dhex gasho hay’adaha amniga ee Dowladda federaalka, oo ay fuliso weeraro waaweyn, waxaana jira siyaasiyiin diyaar u ah iney taageeraan Al-Shabaab.
Marka uu qodobkaas ka daa dego siyaasiyiinta talada haya ee Maraykanka wuxuu Paul D. Williams sheegayaa in ugu dambeyn Maraykanka dareemi doono in dagaalka Soomaaliya lagu soo afjari karo wadahadal uu Maraykanku si toos ah ula galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Siyasadda Maraykanka maka shaqeysaa Soomaaliya? Ayuu ciwaan jaanibi ah ka dhigtay qoraaga diraasadan, wuxuuna sheegayaa iney jirin dad badan oo aaminsan in Maraykanku uga daray Soomaaliya, markii uu sheegtay inuu dhisayo dowlad Soomaaliyeed, hadana uu taageeray duulaankii Itoobiya ee Soomaaliya sanadkii 2006da.
Hab dhaqanka siyaasada Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegayaa iney ka dhalatay labo arin oo ah in dalku kala qeybsamo oo maamulada federaalkana cadaadis dheeri ah saaraan dowladda dhexe, si ay madax banaani u helaan.
Arinka labaad ee ka dhashey siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya waxay tahay sida ay diraasaddu sheegeyso in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay heshey xujooyin cad cad oo ay shacabka Soomaalida ugu dhiiragelineyso iney ka qeyb galaan dagaalka looga soo horjeedo duulaanka Shisheeye ee Soomaaliya.
“Aqalka cad ee Maraykanka wuxuu xooga saaraa duqeymaha xaga cirka iyo weerarada habeen guureynta ah ee ay fuliyaan ciidankiisa si looga takhaluso hogaamiyaasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, inkastoo taliyaashii isaga dambeeyey taliska Africom ay marar badan sheegeen in Al-Shabaab looga adkaan karo iyadoo la helo maamul sal adag leh oo ka dhisan Soomaaliya, hadana weerarada milliteri ee Maraykanka way ku fashilmeen iney xakameeyaan awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo adeegsato taktiikaat kala duwan oo ay kamid yihiin kama’inka, qaraxyada miinooyinka, weerarada ay fuliyaan kumaandooska Istish-haadiyiinta, Iqtiyaalaatka, iyo weeraro cag marin ah oo ay ku qaadaan saldhigyada ciidan ee soo xiga deegaannada ay ka taliyaan” ayay leedahay diraaasadda uu baahiyay machadka Chatham House.
Waxay intaa ku dareysaa diraasaddu “ weerarada Maraykanka ee Soomaaliya, kama hor joogsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab awoodda ay u leedahay iney dalka dibadiisa ka fuliso weeraro qorsheysan, sida ka muuqaneysa weerarkii DusitD2 ee Nairoobi iyo weerarada isku duba dhacsan ee sida joogtada ah uga dhaca wuqooyi bari Kenya” oo loola jeedo dhulka NFD ee ay maamusho dowladda Kenya.
Dadka dhaleeceeya siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya waxay soo jeedinayaan in xalka Soomaaliya uu ku jiro in gebi ahaanba Maraykanka uu isaga baxo Soomaaliya, markaas oo ay Soomaalidu dhexdeeda heshiin karto, sidaas waxaa qeexeysa diraasadan cusub ee soo baxday 14ka bishan July ee sanadka 2020-ka.
Inkastoo mudnaanta koowaad ee Maraykanka uu siinayo in la dhimo awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hadana madaxda Dowladda federaalka waxay diraasaddu ku eedeysay iney awoodooda isugu geeyeen sidii ay u maquunin lahaayeen madaxda maamul goboleedyada.
Waxaa arinkaas bar bar socday dowaldaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya oo taageerayay qaar kamid ah maamul goboleedyada, taasina waxay sii kordhisay kala qeybsanaanta gudaha ee Soomaaliya.
“ Qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya, waxay awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka muuqatay nidaamka garsoor ee ku dhisan cadaaladda, kaas oo xaga sharciyadda iyo wax tarkaba kaga wanaagsan garsoorka Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada” ayuu leeyahay qoraaga diraasaddan Paul D. Williams.
Muxuu noqon doonaa mustaqbalka Siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa mar ay ka jawaabeysay diraasadda, waxay qeexeysaa iney suuragal tahay in Maraykanka uu sii wado siyaasadda uu hadda ku taaganyahay ee ah taageerada ciidamada Shisheeyaha iyo fulinta duqeymo cashawaa’I ah oo beegsada deegaannada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu kaloo Maraykanka dadaal dheeri ah ku bixin doonaa sidii uu u taageeri lahaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu shubto, islamarkaana laga been sheego natiijada kasoo baxda, taasoo keeni karta mucaarada xoogan oo ka imaata siyaasiyiinta mucaaradka ee mar un doonaya iney ku fadhiistaan kurisga Villa Soomaaliya.
Xitaa haddii ay heshiiyaan Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaa marnaba suuragal ahayn in laga guuleysto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaas darteed wuxuu Maraykanka ugu dambeyn taageeri doonaa wadahadal lala galo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Hogaanka Xarakada iyo masuuliyiinta ku hadla afkeeda oo marar badan warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inaaney suuragal ahayn marnaba in wadahadal la galo, inta ay dalka duulaan ku joogaan ciidamada Shisheeyaha.
Ugu dambeyn wuxuu Maraykanka dadaal dheeri ah ku bixin doonaa sidii uu isaga bixi lahaa Soomaaliya, oo uu xooga u saari lahaa dagaalka xaga dhaqaalaha ah ee uu kula jiro awoodaha waweyn ee Shiinaha iyo Ruushka, inkastoo weli Africom ay Al-Shabaab ku tilmaameyso iney halis ku tahay danaha dowladda Maraykanka.
Hadaba si loo fuliyo qorshahaas, wuxuu Maraykanka hoos u dhigi doonaa howlgalladiisa Soomaaliya, isagoo ku andacoonaya inuu dhaqaale badan kaga baxay dagaalkan aan lahayn wax guul ah, Siyaasiyiinta Soomaalidana ay diideen iney dhexdooda heshiiyaan, iskuna garabsadaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Haddii ay dhacdo in Maraykanka uu isaga baxo Soomaaliya, kuna soo aado iyadoo ay taagdaranyihiin ciidamada AMISOM ama ay isaga baxeen Soomaaliya, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isku fidin doontaa gobollada dalka, sida ay sheegeyso diraasaddan uu baahiyay machadka Chatham House.
Inkastoo diraasadan cusub aaney soo hadal qaadin tacadiyaadka Maraykanka uu ka geysanayo Soomaaliya, hadana hay’adaha sheegta iney u doodan xuququda Aadanaha iyo warbaahinta caalamiga ayaa marar badan ka marqaati kacay in Maraykanka uu gumaad wuxuushnimo ka geysanayo Soomaaliya, isagoo cid weliba oo uu beegsado ku tilmaama iney kamid yihiin dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Diraasdda cusub ee uu qoray Paul D. Wiliams, uuna baahiyay machadka Chatham House ee fadhigiisu yahay Ingiriiska, waxay ku biireysaa warbixinno iyo diraasaad hore uga soo baxay reer galbeedka oo quus looga muujiyay in Maraykanku wax guul ah kasoo hooyo dagaalka garadarda ah ee uu kaga jiro Soomaaliya.
Hogaanka sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horey ugu soo jeediyay Maraykanka inuu isaga baxo Soomaaliya, joojiyo duqeymaha aan loo meel dayin ee uu ka wado wilaayaatka Islaamiga , xabsiyada qarsoodiga ah ee uu ku leeyahay Soomaaliyana albaabada isugu dhufto, haddii kalana uu fisho weeraro kaga yimaada dhinaca Mujaahidiinta.
Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda oo ah amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kalimad uu jeediyay oo ciwaankeedu ahaa “ Allaah mooye cid kale uma rukuueyno” kusoo gudbiyo fariinta ku socota dowladda Maraykanka.
Dhagayso Diraasad- Mustaqbalka Siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya