Damaca fog ee Xabashida ee ku aadan la wareegitaanka biyaha An-Niil ayaa banaanka usoo baxay, markii ay madaxda dowladda Itoobiya iska wareejiyeen libaaska dibulmaasiyadda oo ay runta ka sheegeen hadafkooda rasmiga ah.
Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka wuxuu ku sheegay in dalkiisa uu leeyahay webiga AN-Niil oo ah webi leh muhiimad ballaaran, marana wadamo badan oo katirsan Africa, haba ugu muhiimsanaate wadamada Masar iyo Suudaan.
Hadalka Wasiirka arimaha dibada ee Itoboiya ee ah iney iyagu leeyihiin webiga An-Niil wuxuu kusoo aaday, xilli ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu shaaca ka qaaday iney lasoo gebegebeeyey marxaladda koowaad ee biya buuxinta biya xireenka AN-Nahda.
Abey Axmed ayaa shacabka Itoobiya ee kala daadsan ugu hambalyeeyey in dowladiisu ay soo gebegebeysay wejiga koowaad ee biya buuxinta waaskooyinka biya xireenka An-Nahda, taasina ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay shacabka Itoobiya.
Isagoo uga faa’ideysanaya inuu ku qariyo dibad baxyada ballaaran ee ka socda dalkiisa, loogana soo horjeedo maamulkiisa ayuu sheegay in Adis Abababa oo ah caasimadda Itoobiya ay ka dhacayaan dabaaldegyo ballaaran oo lagu soo dhaweynayo guusha uu sheegay iney gaartay dowladda Itoobiya.
Dowladda Masar oo ka hadashey warka kasoo yeeray dowladda Itoobiya ayaa ku cataawday iney raadin doonto wadooyin diblumaasiyadeed oo ay ku heli karto xaqqa ay shacabka Masar ku leeyihiin biyaha webiga An-niil.
Dadka dhaliila siyaasadda Cabdil Fataax As-Siisi oo afgembi kula wareegay talada Masar ayaa sheegaya in halkii la rabay Siisi inuu awood ku difaaco biyaha webiga AN-Niil uu u bira tumanayo dagaalka dalka Liibiya, isagoo taageeraya dagaal ooge Khaliifa Xaftar.
Khubarada ka faallooda arimaha dibulmaasiyadda ayaa sheegaya in markan ay u muuqato dowladda Itoobiya mid gaartay go’aan kama dambeys ah, islamarkaana aaney sugi doonin war kale oo kaga yimaada dhinacyada Masar iyo Suudaan, dowladaha reer galbeedka ayaana garab taagan maamulka Xabashida ee Itoobiya.