Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne waxaa ku burburtay diyaarad sahay raashiin ah u siday ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Shisheeyaha duulaanka kusoo qaaday dalkeena Soomaaliya.
Diyaaradda oo siday raashiin tiro badan ayaa kusoo dhacday garoonka Ugaas Khaliif waxaana qabsaday dab xoogan oo brubur lixaad leh gaarsiiyay diyaaradda.
Waxaa fashilmey isku dayo lagu doonayo in lagu damiyo diyaaradda, sahayda ay wadana la badbaadiyo, waxaana maamulka Hir Shabeelle uu weerar afka ah ku qaaday Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka.
Cali Jeyte oo ah gudoomiyaha magaalada Baladweyne ee maamulka Hiiraan ayaa nasiib darro ku tilmaamay waxa dhacay “Waa ayaan-darro in garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne uusan laheyn gaadiidka dab demiska , waxaana mas’uuliyaddaas qaadanaya dowladda dhexe iyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Cali Jeyte.
Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga gobollada dalka ayaa sahayda ciidan waxaa loogu keenaa diyaarado, sababo ku aadan iyagoo aan mari karin wadooyinka, maadaama ciidanka milliteriga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu go’doomiyay dhaq-dhaqaaqa Shisheeyaha.