Guutooyinka Jugta culus ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeymo xoogan ku garaacay saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa askarta Dowladda federaalka ee Jannaale oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeymaha oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa dhacay saacado gudahood, waxaana ay dheceen illaa iyo labo jeer, iyadoo madaafiicda ay ku dheceen goobaha la beegsanayay.
Goobjoogayaal waxay soo sheegeen iney maqlayeen qeylada ciidamada Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka oo u muuqday kuwa ku jah wareeray madaafiicda cuslaa oo si talan taali ah ugu soo dhacayay xeryahooda.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey duqeymahan oo ay masuuliyadooda sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.