HomeAll newsDhalinyaro Soomaaliyeed Oo isticmaalay Dawo Xad dhaaf ah oo ku dhintay Maraykanka.

Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo isticmaalay Dawo Xad dhaaf ah oo ku dhintay Maraykanka.

Walaac xoogan ayaa lasoo dersay waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Maraykanka, kadib markii ay soo bateen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhintay dawo xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa isbitaal ku yaala magaalada Menesota waxaa ku geeriyooday saddex wiil oo Soomaali ah, halka weli xaaladooda caafimaad lala tacaalayo ugu sideed wiil oo kale.

Dhalinyarada ayaa lagu soo waramayaa iney si xad dhaaf ah u isticmaalaan dawooyin lagu sheegay OVERDOSE, taasina ay keento iney xaaladooda caafimaad liidato, sidaasna ay ku dhintaan.

Ururo maxalli ah oo ay Soomaalida leeyihiin ayaa wada wacyigelin ballaaran oo ay u sameynayaan waalidiinta iyo dhalinyarada, iyagoo sheegay in qofkii xaalad caafimaad oo deg deg ah lasoo gudboonaata ay tahay in goobaha caafimaadka lala gaaro.

Sanadkan 2020-ka ee weli socda ayaa waxaa dalka Maraykanka dawooyinka xad dhaafka ah ee ay isticmaaleen darteed ugu geeriyooday ugu yaraan 46 wiil oo dhalinyaro Soomaali ah.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayaa waxaa hoos u dhac laga dareemay kiisaska noocaan ah, hase ahaate waxay hadda sheegayana waalidiinta Soomaalida iney markale soo laba kacleysay, iyadoo dhalinyarada loogu baaqay iney ka joogaan tallaabadaas.

Dhibaatada ugu badan waxay heysataa waalidiinta dhalay caruurta aan ku xirneyn masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka, waxaana dawooyinkan xad dhaafka ah loo isticmaalo caruurta bara Gangeska Ameerikaanka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular