HomeAll newsDEG-DEG: Baarlmaanka Oo Riday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

DEG-DEG: Baarlmaanka Oo Riday Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Fadhi uu buuq hareeyay oo ay isugu yimaadeen golaha baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa waxa loogu yeero codka kalsoonida waxay kala noqdeen xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha u yahay Xasan Cali Kheyre.

Maxam’ed Mursal oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in 170 xillibaan oo katirsan baarlamaanka dowladda federaalka ay codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Wasiiro katirsan xukuumadda ayaa isku dayay iney is hortaagaan codka loo qaadayay xukuumadda Xasan Cali Kheyre, hase ahaate ugu dambeyn xillibaanadu waxay codka kalsoonida kala laabteen xukuumadda iyagoo ku eedayay iney fashilantay.

Muuqaallo lagu baahiyay Internetka ayaa muujinaya xillibaannada oo buuqaya, iyadoo ay qeylada ka dhamaatay Maxamed Mursal oo ah gudoomiyaha baarlamaanka Dowladda federaalka.

Baarlamaanka waxay ku eedayeen xukuumadda iney ku fashilantay arinta doorashooyinka.

Wasiirka amniga ee Dowladda federaalka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka Dowladda federaalka ayaa sheegay in tallaabada xillibaannada aaney ahayn mid sharci ah.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular