HomeAll newsDagaal iyo Duqeyn lagu qaaday Saldhig ciidan oo ku yaala Galgala.

Dagaal iyo Duqeyn lagu qaaday Saldhig ciidan oo ku yaala Galgala.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala buuraha Goolis ayaa weeraro xoogan ku qaaday saldhig ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Galgala ee hoos yimaada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qoriga hoobiyaha ku duqeeyey xerada ciidamada maamulka Puntland ee deegaanka Galgala, waxaana in muda ah ku socotay duqeyn culus.

Duqeynta waxaa dhinac socday dagaal xoogan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada maamulka Puntland.

Inkastoo aan la helin macluumaad dhameystiran oo ku aadan waxyeellada gaartay ciidamada maamulka Puntland hadana waxaa lasoo wariyay in askarta uu isku dhex yaac lasoo dersay, goobtana ay ka carareen.

Silsiladda buuraha Goolis, waxaa ka howlgala jabhad katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo dagaal adag kula jirta shirkadaha Shisheeyaha ee ay reer galbeedka ka howlgeliyeen wuqooyi bari, sirdoonnada Shisheeyaha iyo maamulka Puntland ee gacan saarka dhow la leh Xabashida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular