HomeAll newsDadkii ugu badnaa oo maalin keliya ku dhaco Corona Oo la diiwaan...

Dadkii ugu badnaa oo maalin keliya ku dhaco Corona Oo la diiwaan geliyay.

Maraykanka ayaa diiwaan geliyay dadkii ugu badnaa oo maalin keliya uu soo rito cudurka Corona virus, kuwaas oo tiradoodu ku dhowdahay 100 kun oo ruux.

Jaamacadda Johns Hopkins oo soo gudbisa wararka la xiriira Corona virus ee gudaha dalka Maraykanka ayaa xaqiijisay maalintii shalay in la diiwaan geliyay dadkii ugu badnaa oo maalin keliya uu soo rito cudurka Corona virus, tan iyo markii uu ka dillaacay caalamka.

Guud ahaan wadanka Maraykanka, waxaa la xaqiijiyay in maalintii shalay uu Corona ku dhacay 63,000 oo ruux, waana tirada la diiwaan geliyay, iyadoo ay dhici karto iney jiraan kumanaan kale oo aan imaan xarumaha caafimaadka si loo diiwaan geliyo.

Jaamacaddu waxay sidoo kale sheegtay in Coronaha uu shalay Maraykana ku dilay ugu yaraan 820 ruux, taasi oo tirada guud ee dhimashada gudaha Maraykanka ka dhigeysa 136,671 qof.

Illaa iyo hadda ma jirto wax rajo ah oo ay qabaan muwaadiniinta Ameerikaanka ah oo ku aadan in dawo loo helo viruskan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular