HomeAll newsDab Ka kacay Boosaaso Oo ay ku dhinteen 4 Caruur ah.

Dab Ka kacay Boosaaso Oo ay ku dhinteen 4 Caruur ah.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ku waramaya in dab xoogan uu ka kacay kaam barakacayaal ay ku noolyihiin oo ku yaala magaaladaas.

Dabka oo si lama filaan ah u kacay, ayaa si deg deg ah ugu faafay guryo bacyo ka sameysan oo ay dadka ku noolaayeen, taasina waxay keentay inuu dhaliyo khasaare nafeed.

Ugu yaran 4 caruur ah ayaa ku dhintay dabkan ka kacay magaalada Boosaaso, mana jirin wax gurmad deg deg ah oo soo gaaray dadka ay musiibadan qabsatay marka laga reebo isku dayo ay sameeyeen dadka oo aan guul badan keenin.

Xaafadaha isku raranka ah ayaa inta badan waxaa ka kaca dab xilliyada ay dabeylaha jiraan, waxaana ka dhasha musiibooyin waaweyn oo la mid ah tan ka dhacday Boosaaso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular