HomeAll newsCiidamada Kenyaatiga Oo lagu weeraray Hosingow.

Ciidamada Kenyaatiga Oo lagu weeraray Hosingow.

Dagaalyahanno hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duullaan ku qaaday difaacyada ciidamada  shisheeyaha Kenya ku leeyihiin deegaanka Hosingow ee dhaca xuduud beenaatka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka oo ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa socday in muda ah, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay deegaannada baadiyaha ah ee u dhow Hosingow.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jihooyin kala duwan ka weeraray saldhiga ciidamada Kenyaatiga ee deegaankaas.

Waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada Kenyaatiga, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.

Hosingow waxay kamid tahay deegaannada gobolka Jubbada hoose ee ay xooga ku joogaan ciidamada Kenya oo qeyb ka ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular