
Shalay oo Jimco ahayd waxaa qeybo kala duwan oo kamid ah wadanka Suudaan ka dhacay dibad baxyo ay dhigayaan dadka muslimiinta, kuwaas oo looga soo horjeedo qaraaradii dhawaan kasoo baxay dowaldda Suudaan ee ka hor imaanayay diinta Islaamka.
Banaanbaxyada waxaa hor boodayay culimada mulsimiinta iyo dhalinyaro Aqoonyahanno ah, waxayna dadku wateen boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo lagu diidanyahay qodobada ay meel marisay xukuumadda Suudaan ee sida tooska ah uga hor imaanaya diinta Islaamka.
Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Suudaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dastuurka dalka Suudaan laga saaray qodobada mamnuucayay in qofku ka baxo diinta Islaamka, sidoo kale cabsita khamriga iyo furashada goobaha lagu tunto, waxaana dhamaan arimahaas uu dastuurka Suudaan hadda u aqoonsaday iney yihiin arimo banaan.
Tallaabooyinkan looga fogaanayo diinta Islaamka waxaa lagu soo waramayaa in xukuumadda Suudaan ay ku raadineyso raalli ahaanshaa reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka iyo in laga saaro waxa loogu yeeero dowladaha taageera Argagaxisada oo Suudaan lagu daray sagaashameeyadii.