Qarax aad u xoogan ayaa ciidamo katirsan maamulka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka deegaanka Buula Guduud ee Jubbada hoose.
Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ayaa waxaa haleeley qarax culus, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ka dhigay ciidankii saarnaa gaariga.
Inta haatan la xaqiijiyay 10 askari oo katirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa ku dhintay qaraxa halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga cabdi bila ah.
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa goobta kaga cararay gaariga ku burburay qaraxa, kaas oo illaa iyo hadda ku gubanaya halka lagu qarxiyay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan lagu gumaaday askar katirsan maamulka Jubbaland.
Deegaannada dhaca duleedka magaalada Kismaayo waxay kamid yihiin goobaha sida adag loogu dhiig bixiyo ciidamada maamulka Jubbaland ee ka hoos shaqeeya ciidamada Kenyaatiga ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.