HomeAll newsAskari Dhimasho iyo Dhaawac ka geystay Degmada Wardhiigley ee Muqdisho.

Askari Dhimasho iyo Dhaawac ka geystay Degmada Wardhiigley ee Muqdisho.

Askari hubeysan oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka islaamrkaana la sheegay inuu sarqaansanaa ayaa dil iyo dhaawac ka geystay xaafad ku taalla degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Askariga ayaa glaay guri ay ku sugnaayeen dadweyne tiro badan xilli goobta lagu tumayay waxa loogu yeero mingiska, waxaana askariga uu mar qura rasaas ku furay dadkii halkaas joogay.

Ugu yaraan 2 ruux oo shacab ah ayaa goobta ku dhintay halka ay dhaawcmeen 9 kale, waxaana askariga katirsan ciidamada Dowladda federaalka uu gumaadkan ku geystay qori Ak ah.

Dadweyne goobta ku sugnaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gumaadka dhacay uu ahaa mid ay ka argagaxeen islamarkaana aaney ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska gobolka Banaadir ee Dowladda federaalka ayaa sheegay in askariga dilkan geystay uu daroogeysanaa, isagoo isticmaalay maandooriyaal caqliga tira qofka.

Waa dhacadii labaad oo gumaad ah oo waqti isku dhow Muqdisho iyo duleedkeeda ay ka geystaan askar katirsan Dowladda federaalka, dhawaan ayay ahayd markii xaafadda Garasbaalley uu askari ku dilay 5 ruux oo isku qoys ahaa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular