HomeAll newsAskari Muqdisho ku dilay Agaasimihii Xeer Ilaalinta Dowladda Federaalka.

Askari Muqdisho ku dilay Agaasimihii Xeer Ilaalinta Dowladda Federaalka.

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay fal dil ah oo uu askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka u geystay sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa Xeer ilaalinta Dowladda federaalka.

Askariga dilka geystay ayaa kamid ahaa istaafka wasiirka waxa loogu yeero Cadaaladda ee Dowladda federaalka Xasan Xuseen Xaaji.

Xilli gaariga wasiirka uu marayay wadada Makka Al-Mukarrama ayaa askari kamid ah ilaaladiisa wuxuu furay rasaas taas oo markiiba ku dhacday Agaasimaha waaxda IT-ga ee Xeer ilaalinta Dowladda federaalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda federaalka Suleymaan Maxamad Maxmuud ayaa ka tacsiyeeyey dilka agaasimaha, isagoona sheegay in maxkamad lasoo taagi doono askariga dilka geystay.

Ciidamada Dowladda federaalka ayaa wadooyinka ku maro xasilooni darro iyo cabsi ballaaran, waxayna taasi keentaa iney furaan rasaas aan loo meel dayin oo ay waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka ah iyo mararka qaar xubno kale oo katirsan Dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular