HomeAll newsAskar Burundees ah oo lagu Dilay Qarax ka Dhacay Shabeellaha Dhexe.

Askar Burundees ah oo lagu Dilay Qarax ka Dhacay Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Burundi oo lugeynayay ayaa qarax waxaa lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu gaarsiiyay khasaare kala duwan.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa lala heley qarax xoogan xilli ay lugeynayeen gudaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana gaaray khasaare dhimasho ah.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxan .

Qaraxa ayaa si adag u haleeley ciidamada Burundi, waxaana goobjoogayaal ay kusoo warameen iney go’ go’een meydadka labada askari ee Shisheeyaha katirsan.

Shabeellaha Dhexe goobaha ay ka joogaan Shisheeyaha waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo kamaa’in lagu beegsado ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular