HomeAll newsMaxkamad Islaami ah Oo Xukun dil ah ku fulisay Nin Sixroole ahaa.

Maxkamad Islaami ah Oo Xukun dil ah ku fulisay Nin Sixroole ahaa.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay xukun dil toogasho ah oo ay riday, islamarkaana fulisay maxkamadda islaamiga ee wilaayada Shabeellaha Hoose.

Fagaare ku yaala deegaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xukun dil toogasho ah lagula fuliyay Abuu bakar Xaaji Cumar oo ahaa nin 50 sano jir ah, shan sanana ku howlanaa falal saaxirnimo.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka, waxaana fulinta xukunkan usoo daawasho tagay boqollaal ruux oo kamid ah dadka deegaanka.

Qaadiga xukunka ku dhawaaqay wuxuu soo daliishaday Nusuus sharci ah oo loo cuskaday fulinta xukunka.

Wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya waxaa ka furan maxaakiim islaami ah oo fuliya xukuno sharci ah, waxaana fulinta Shareecada Islaamka ay dadku ku heleen barwaaqo badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular