HomeAll newsHaweeney Talyaani ah Oo Lagu hayay Soomaaliya Oo qaadatay Diinta Islaamka

Haweeney Talyaani ah Oo Lagu hayay Soomaaliya Oo qaadatay Diinta Islaamka

Silvia Romano oo ah haweeney 25 jir ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga, laguna heystay Soomaaliya ayaa dib u heshey xurriyadeeda, iyadoo dib ugu laabatay dalkeeda Talyaaniga.

Romano, waxaa sanadkii 2018-ka rag hubeysan ay kasoo af  duubteen dalka Kenya, halkaas oo ay ka shaqeyneysay, iyadoona sanadihi ay xirneyd lagu hayay meel kamid ah Soomaaliya, illaa ugu dambeyn lasii daayay.

Sheekada xiisaha badan waxay tahay in Silvia Romano intii lagu hayay Soomaaliya ay ku qanacday diinta Islaamka, islamarkaana iyadoo xijaaban ay gaartay dalkeeda Talyaaniga, kuna war gelisay qoyskeeda iney muslimad tahay.

“Waxaan si xurriyad ah oo ikhtiyaarkeyga ah u qaatay diinta Islaamka” ayay tiri Silvia Romano, iyadoo intaa ku dartay in raggii gacanta ku hayay ay ula dhaqmeen si wanaagsan oo usluubeysan.

“ Intii aan joogay Soomaaliya, waxaa la ii daaweeyay si wanaagsan, la iguma qasbin guur” ayay sii raacisay hadlkeeda Silvia Romano, oo ay warbaahintu soo bandhigeen iyadoo xijaaban oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Rooma.

Sida ay sheegayaan warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa maxalliga ah, waxaa haweeneydan gacanta ku hayay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, meel 30km u jirta Muqdisho ayaana laga kaxeeyay haweeneydan, markaas oo la geeyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa Silvia Roma u sheegay iney iska siibto xijaabka, hase ahaate iyada ayaa ka diiday, waxayna markaas iska dhaadhiciyeen iney cabsi oo keliya u geyneyso xirasahda xijaabka, balse markii dambe oo ay Rooma tagtay ayay kaga yaabisay iney qaadatay diinta Islaamka.

“Aad Ayaan ugu faraxsanahay, waxaan jeclahay inaan la joogo qoyskeyga” ayay tiri Silvia Roma oo hadda ku sugan magaalada Rooma ee caasimaddda Talyaaniga.

Sii daysmada Silvia Roma waxay ku timid, sida ay warbaahintu sheegayaan, kadib iskaashi ay sameeyeen ehelkeeda iyo dowladda Talyaaniga, kuwaas oo wadahadal la galay ragga soo afduubtay Silvia Roma.

Hooyada dhashey Silvia Roma iyo walaasheed ayaa si diiran garoonka ugu soo dhaweeyey gabadhooda, waxayna muujiyeen dareenkooda faraxdeed ee ku aadan in waqti dheer kadib ay dib u arkaan gabadhooda oo bad qabta.

Waxaa suurtagal ah in Sivia Roma ay maalmaha soo socda bixiso faafaahinno dheeri ah oo ku aadan fatradii lagu hayay Soomaaliya, waxaana sida ka muuqata hadallada yar ee hadda laga hayo haweeneydan ay ku saamowday raggii gacanta ku hayay, oo ay ku sheegtay in si wanaagsan oo usluubeysan ay ula dhaqmeen, nolo wanaagsanna ay ku jirtay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular