Wararka ka imaanaya dalka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Africa ayaa ku waramaya in ciidamada Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ay fuliyeen silsilado weeraro xoogan oo ay ku beegsadeen ciidamada Shisheeyaha Faransiiska iyo kuwa xukuumadda Maali.
Weerar ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Kidhaal ee wuqooyiga dalka Maali ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo Faransiis ah oo qeyb ka ah shisheeyaha duulaanka ku jooga wadankaas.
Weerarka waxa uu ahaa kamiin qorsheysan oo ay dhigeen ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxaana kusoo dhacay kolonyo ciidamo faransiis ah, kuwaas oo jab xoogan la gaarsiiyay.
War kasoo baxay Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay ku sheegatay in kamiinkaas ay ku gubtay ugu yaraan afar gaari oo noocyada gaashaman ah, ayna ku dishey tiro askar Faransiis ah.
Dowladda Faransiiska war ay soo saartay waxay ku sheegtay in weerar ka dhacay Maali looga dilay askar kamid ah ciidankeeda, waxaana horey warbaahinta reer galbeedka qaarkood ay xaqiijiyeen in sarkaal Faransiis ah uu kamid yahay askarta lagu dilay Maali.
Nusratul Islaam wal Musimiin waxay kaloo weerar adag ku qaaday bar ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Maali, kaas oo ku yaala gobolka Segow ee wadankaas.
Howlgallada milliteri ee ay fulineyso Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa aad usii xoogeystay sanadihii u dambeeyay, waxaana reer galbeedka ay ku tilmaamayaan in Nusratul Islaam wal Muslimiin ay kamid tahay jamaacaadka ugu firfircoon ee katirsan Al-Qaacida kana howlgala qaaradda Africa.