HomeAll newsCiidamada Itoobiya Oo la kulmay 7 Qarax iyo kamiino culus.(Warbixin)

Ciidamada Itoobiya Oo la kulmay 7 Qarax iyo kamiino culus.(Warbixin)

Shantii maalmood ee lasoo dhaafayj, kolonyo ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah ayaa ku safraya wadada xiriirsa Bardaale iyo Qansaxdheere oo katirsan gobolka Baay, kuwaas oo sida sahay ciidan oo loo wado Itoobiyaan jooga Qansaxdheere.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxay la kulmeen ugu yaraan 7 qarax oo aad u xoogan, iyadoo ay u dheertahay kamaa’inno culus o ay kala kulmayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaraxyada waxay ahaayeen kuwa aad u xoogan oo jugtooda laga maqlayo meelo ka baxsan halka Itoobiyaanka lagula eegtay, waxaana ku burburay gawaari dagaal oo ay ku jiraan kuwa ciidamada xambaara ee Uuraalka loo yaqaano.

Inkastoo aan la heynin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo aad u badan oo gaartay ciidamada Itoobiyaanka, marka loo eego qaraxyada xoogooda iyo weerarada ay la kulmayaan.

Masaafada ay ciidamada Itoobiyaana ku safrayaan waa 60KM, maalinkii lixaad ayayna wadada ku jiraan oo aaney gaarin halkii ay ku wajahnaayeen.

Tani waxay muujineysaa taag darida baahsan ee soo wajahday ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka qaawan ku jooga Soomaaliya, waxayna Itoobiyaanku ku go’doosanyihiin goobaha ay ka joogaan wadanka, marka ay dhaq-dhaqaaqyo isku dayaanna waxay la kulmaan weeraro culus.

Ciidamada Itoobiya waxay hadda billaabeen iney ka firxadaan wadanka, iyagoo labo labo u socda ayayna si dirqi ah mararka qaar u gudbaan dhulka Soomaali galbeed ee ay xooga ku heystaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular