HomeAll newsAskar Lagu dilay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Askar Lagu dilay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday saldhigyo ciidamo katirsan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubbalanad ku leeyihiin deegaanno katirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Jubbada hoose.

Saldhig duleedka degmada Balcad ka sameysteen ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka ayay ciidamada Mujaahidiinta weerar culus ku ekeeyeen, halkaas oo ay ku dileen labo askari, sidoo kalena kusoo furteen labo qori.

Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidamo lagu tababaro oo ku yaala duleedka degmada Dhoobley.

Waxaa goobta ka dhacay dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, waxaana lagu soo waramayaa in khasaare culus la gaarsiiyay askarta maamulka Jubbaland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular