HomeAll newsWeeraro Xoogan Oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaala Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Weeraro Xoogan Oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaala Shabeellaha Hoose iyo Jubbooyinka.

Habeenkii xalay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada iyo difaacyada ciidamada  Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka waxa uu ahaa mid aad u culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna ciidamada Mujaahidiinta ka dagaallameen afaafka hore ee goobaha ay weerarka ku qaadeen.

Qeylada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ayaa aad loo maqlayay, taasi oo muujineysa in khasaare uu gaaray, sidoo kalena lagu kediyay weerarka.

Dhanka kale, aroornimadii hore ee saaka waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Singaleer oo u dhexeeya Buula guduud iyo Baar Sanguuni.

Ciidamada Mujaahidiinta waxaa u suuragashey in gebi ahaanba ay saldhiga la wareegaan, ciidankii maamulka Jubbaland ay eryaan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay saanado hub ah.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada Jubbaland, hase yeeshe lama helin faafaahin rasmi ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku daba jira firxadka askarta maamulka Jubbaland.

Waxay sidoo kale Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada Kenya ee deegaannada Hosingow iyo Kulbiyow.

Lama oga khasaaraha ciidamada Kenya kasoo gaaray weeraradan, haseyeeshe dagaalladu waxay ahaayeen kuwa culus sida ay goobjoogayaal sheegeen.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular