HomeAll newsWeerar ka dhacay Kulbiyow iyo Askar lagu dilay Muqdisho.

Weerar ka dhacay Kulbiyow iyo Askar lagu dilay Muqdisho.

Ciidamada Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday difaacyada ciidamada Kenyaatiga ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka oo ahaa mid abaabulan, islamarkaana lagu kediyay askarta dowladda Kenya ee xooga ku jooga Soomaaliya ayaa socday in muda ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta waxay xaqiijiyeen iney maqlayeen takbiirta ciidamada Mujaahidiinta iyo qeyla dhanata askarta Kenyaatiga ah.

Dhanka kale, howlgal gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay labo askari oo katirsan ciidamada PS-ta dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay dilka, waxaana markaas kadib ay goobta uga tageen si nabadgeliyo ay ku dheehantahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular