Maamulka Hir Shabeelle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in cudurka Coronavirus uu dilay wasiir iyo Xillibaan katirsan maamulkas, kaas oo mudooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Khaliif Muumin oo sidoo kale ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Cadaalladda ee maamulka Hir Shabeelle ayaa la xaqiijiyay inuu u dhintay cudurka Coronavirus, xilli maalmihii u dambeeyay uu karantiil ugu jiray isbitaal ku yaala Muqdisho.
Geerida xillibaanka iyo wasiiru dowlaha Hir Shabeelle katirsan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka Amaanka ee maamulka Hir Shabeelle.
Lama oga dhabnida arinkan, xilli weliba dhawaan Dowladda federaalka ay ku fadeexowday nin ay sheegtay inuu u dhintay Coronavirus, kaasoo dhakhaatiirtu sheegeen inaaney ka arkin astaamaha lagu yaqaano cudurka Coronavirus.