HomeAll newsShirkad Maraykanku leeyahay oo ku taalla Ciraaq oo lagu garaacay Duqeymo Sawaariikh.

Shirkad Maraykanku leeyahay oo ku taalla Ciraaq oo lagu garaacay Duqeymo Sawaariikh.

Kooxo hubeysan oo loo badinayo iney Shiico yihiin, islamarkaana taabacsanyihiin dowladda Iiraan ayaa duqeyn loo adeegsaday sawaariikh waxay ku garaaceen xarunta shirkad ka shaqeysa arimaha shidaalka oo ay leedahay dowaldda Maraykanka.

Xarunta shirkadda la duqeeyey waxay ku taalla magaalada Albasra, waxaana lagu magacaabaa Haliporton.
Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacday hareeraha xarunta shirkadda, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee k dhashey.

Ciidamada Amaanka Xukuumadda Rawaafida Ciraaq ayaa baaritaanno ka sameeyey meelo u dhow xarunta shirkadeed ee la weeraray, iyagoo baadi goobaya kooxaha duqeymaha geystay.

Arintan ayaa imaaneysa, xilli danaha Maraykanka ee Ciraaq ay halisyo badan oo amni soo wajaheen, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay dowladaha Maraykanka iyo Iiraan, waxaana dhawaanahan ciidamada Maraykanka ay faarujiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen wadanka Ciraaq.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular