Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ku waramaya in rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay magaaladaas ku dileen sarkaal sare oo katirsan Dowladda federaalka, kana howlgalayay dhanka maamulka Puntaland.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Xuseen Xaaji Ismaaciil Fareey, wuxuuna ahaa masuulka laanta socdaalka dowladda federaalka ee dhanka maamulka Puntland.
Rag hubeysan ayaa dilka geystay, waxaana markaas kadib ay goobta uga baxsadeen si nabad geliyo ah, iyadoona meydaka sarkaalka ay qaadeen ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan, sida lagu baahiyay idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Xarakada.