HomeAll newsRag Basaas u ahaa Africom Oo Ceelbuur Lagu dilay.

Rag Basaas u ahaa Africom Oo Ceelbuur Lagu dilay.

Fagaare weyn oo ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhacay xukun xaddu riddo ah, kaas oo lagu fuliyay eedeysanayaal saddex gaaraya, oo la shaqeynayay Diyaaradaha Maraykanka ee duqeymaha ka geysnaya Soomaaliya.

Axmed Nuurow Maxamad oo loo yaqaano Xerow, islmarkaana 23 jir ah ayaa waxaa askareeyey xubno katirsan maamulka Koonfur galbeed, waxaana uu la shaqeynayay diyaaradaha Maraykanka ee duqeymaha ka geysnaya Soomaaliya.

Bashiir Aadan Maxmuud oo loo yaqaano Dhagool, islamarkaana 22 sano jir ah, waxaa isna askareeyey xubno katirsan maamulka Koonfur galbeed, waxaana uu ku lug yeeshey duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka.

Bishaar Axmed Cabdulle oo loo yaqaano Hoolow islamarkaana 50 sano jir ah ayaa isagana waxaa askareeyey maamulka Hir Shabeelle, isagoona ku lug lahaa howlgallo ay ciidamada Maraykanka ka fuliyeen wilaayaadka islaamiga oo ay ku beegsadeen rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qaadiga ayaa saddexdan nin wuxu ku xukumey dil toogasho ah, isagoo goobta ka akhriyay nusuusta loo cuskaday, markiibana xukunka dilka ayaa lagu fuliyay.

Halkan ka dhagayso Qaadiga oo ku dhawaaqaya Xukunka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular