Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku waramaya in qaraxyo waaweyn lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Burundi oo ku socdaalayay qeybo kamid ah gobolka.
Kolonyo ciidamo ah oo marayay deegaanka Gololey oo dhaca duleedka degmada Balacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haleeley labo qarax oo waaweyn, kuwaas oo jugtooda laga maqlay goobo ka fog halka ay ka dheceen.
Warar horudhac ah oo aynu heleyno waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray ciidamada Burundi ee qaraxyada lagu beegsaday, halka ay sidoo kale jiraan gawaari dagaal oo ay waxyeello gaartay.
Ciidamada Shisheeyaha waxay qaati ka taaganyihiin iney si nabad ah ku isticmaalaan wadooyinka xiriira deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobollada Soomaaliya, waxaana mar kasta ciidamad Mujaahidiinta ay la beegsadaan weeraro toos ah iyo qaraxyo xoogan.
Saraakiisha ciidamada Shisheeyaha ayaa horey uga cabtay isku socodka, waxayna sheegeen iney adagtahay in gurmad iyo sahay ciidan la gaarsiiyo ciidamada ku sugan deegaannada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobollada.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabtay weerarada iyo howlgallada ay ku beegsaneyso Shisheeyaha iyo Dowladda federaalka, waxaana muuqaneysa in Shisheeyuhu ay si toos ah ugu jabeen dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.