Deegaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda dhismaha masjid muhiim ah kaas oo la dudumiyay, islamarkaana hadda dib loo dhisayo.
Gudiga Masjidka oo Warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in dhismaha masjidka ay ku kaceyso lacag kabadan 100 kun oo doollar, dadka Muslimiinta ahna looga baahanyahay iney ka qeyb qaataan.
Inkastoo Masjidka ay hadda howshiisa socoto, wax kamid ah qalabka dhismahana gacanta lagu hayo, hadana waxaa lama huraan ah iney ka qeyb galaan dadka Muslimiinta dal iyo dibada meeshey joogaan.
Gudiga Masjidka waxay si gaar ah baaq u direen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, gaar ahaan dadka kasoo jeeda deegaanka, iyagoona loogu baaqay iney ka qeyb qaataan dhismaha Masjidka.
Nambarada Laga la xiriiri karo gudiga Masjidka waa 002526-15530488. ama Account Number 31584021
Halkan ka dhagayso Waraysi lala yeeshey Gudiga Masjidka iyo Waxgaradka Kuunya Barrow.
[…] Author: admin […]